4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Wasiir xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Maanta Xilalkoodii loo Ansixiyay



Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wasiirka Dib u jinta Somaliland Mr: Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) iyo wasiir ku xigeenka macdanta, Tamarta iyo biyaha Somaliland Mr: Cabdisalaan Maxamed Xasan.

Labadan masuul oo maanta golaha hortagay si loo ansixiyo, ayaa waxa halkaasi lagu soo bandhigay taariikh nololeedkoodii iyo waxyaalihii ay soo qabteen ama ka soo shaqeeyeen, intaas ka dibna waxay warbixin kooban golaha ka siiyeen wasaaradda loo magacaabay iyo qorshayaasha ay ku tallo jiraan inay ka qabtaan wasaaradoodda.

Kalfadhigan oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa golaha u sheegay in madaxweynuhu soo codsaday in labadan wasiir loo ansixiyo xilalkaasi uu u soo magacaabay,isla markaana guddi hoosaadka Arrimaha gudaha ee golaha Wakiiladda ayaa soo jeediyey in labadan wasiir xilalkaasi loo magacaabay loo ansixiyo, sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu labadan wasiir u sheegay inay fasax yihin oo ay iska tagaan si codka loo qaado.

Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 48 mudane, waxa wasiirka Dib u dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ogolaaday inuu wasiir noqdo 47 mudane, cid ka diiday iyo cid ka aamustayna may jirin gudoomiyunu ma codeyn, halka wasiir ku xigeenka ay u codeeyeen 46 mudane, hal mudana ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codeyn, waxaanu gudoomiyaha golaha Wakiiladu sheegay inay sidaas ku noqdeen wasiiro rasmi ah.

Labadan wasiir ayaa madaxweynuhu dhowaan soo magacaabay, waxaanay muddo shaqaynayeen iyagoo goluhu aanu ansixin, haseyeeshee maanta ayey goluhu cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen labadan wasiir.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland