4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqeyso Sannadkii 2013.

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh kumeel mariyey miisaaniyadda dowladda ee sanadkan cusub ee 2013 oo ay maalmihii u danbeeyey ka doodayeen.

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ay hor yimaadeen mas’uuliyiin uu ku jiro wasiirka maaliyadda Faarax Cali Shire iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga dejiyey miisaaniyadda, waxaa soo xaadiray 47 xildhibaan.

Ugu horeyn waxay qaar kamid ah xildhibaanadu weydiiyeen wasiirka maaliyadda su’aalo ay kamid ahaayeen: meesha ay ku maqan yihiin mushaharaadka aan weli la bixin ee ku jirey miisaaniyaddii hore iyo in miisaaniyadda cusub lagu daray qorshe lagu ballaarinayo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedda magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyaddu ay is dhimi karto maadaama aysan dowladdu lahayn ilo dhaqaale oo sugan, wuxuuna intaas raaciyey in mushaharaadka dowladda lagu leeyahay sida ugu dhaqsaha badan looo bixin doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa intaas kadib ku dhawaaqay natiijada cod loo qaaday ansixinta miisaaniyadda kaasoo u dhacay qaab gacan-taag ah.

Wuxuuna sheegay in ay ansax tahay maadaama ay 46 kamid ah xildhibaanadii fadhiga soo xaadiray ay “HAA” ugu codeeyeen, halka uu mid keli ahi ka aamusay, gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in miisaaniyadda sanadka 2013 ay le’eg tahay tii sanadkii hore ee 2012.

Doodda uu Baarlamaanku ka yeeshay miisaaniyadda uu maanta ansixiyey ayaa soo bilaabay 24-ta bishii December ee sanadkii hore.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya