4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Somalia, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Dagaal khasaare badan dhaliyay ayaa ku dhexmaray gellinkii dambe ee maanta deegaan u dhexeeya deegmooyinka Luuq iyo Garbahaarey iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo ayaa HOL u sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, ayna ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu oo soo kala gaaray dhinacyadii uu hardanku u dhexeeyay.

“Saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo waxay sheegeen in laba askari ay kaga dhinteen dagaalka, toddodba kalena looga dhaawacay, balse dhinaca kale lama oga khasaaraha dagaalkaas kasoo gaartay,” ayaan kasoo xigannay ruux ku sugan gobolka oo diiday in la sheego magaciisa.

Deegaannada lagu dagaalamay ayaa ah kuwo howd ah taasoo keentay inaan la helin khasaaraha dagaalka ka dhashay oo rasmi ah, iyadoo Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya aysan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka.

Mas’uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkani uu qarxay kaddib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ku socday degmada Garbahaarey.

“Goobihii lagu dagaalamay waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, xoogagii Al-shabaabna way isaga tageen goobta. Maydad fara badan ayaana lagu arkayaa halka lagu dagaalamay,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa goobta uu dagaalku ka dhacay.

Ma sheegin sarakaalka maydadka sida ay kala yihiin, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay kala wareegaan Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan tahay gobolka Gedo oo ay ka mid yihiin degmooyinka Buur-dhuubo iyo Baardheere.

Gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa waxaa labadii sano ee ugu dambeeyay ka dhacayay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya