4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Koox hubeysan oo xalay weeraray Hoteel uu Magaalada Boosaaso ka degen yahay Wasiirka Amniga Puntland

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan oo ana haybtooda la garanayn ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaaday hoteelka Panorama oo ku yaalla dhinaca Koonfureed ee magaalada Boosaaso, halkasa oo ay deggen yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland.


  Wasiirka Amniga Puntland, Col. Khaliif

Xilliga uu weerarku dhacayay ayaa waxaa hoteelka ku sugnaa wasiirro ka tirsan dowladda Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka amniga, Col. Khaliif Ciise Mudan oo maalmo ka hor sheegay inuu dagaal adag la geli doono Al-shabaab.

Ilaalada wasiirka iyo dableydii weerarka soo qaaday ayaa is weydaarsaday rasaas qaddar daqiiqado ah socotay; waxaana ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsanaa ilaalada hoteelka.

"Xabaddu in ku dhow 10 daqiiqo ayay dhacaysay, waan ku sasnay waxaana in yar kaddib goobta soo gaaray ciidammo badan, laakiin markii danme way is-beshay xaaladda oo deggenaasho ayaan dareennay," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deggen agagaarka hoteeelka u sheegay HOL.

Wasiirka amniga Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan isla markaana ah milkiilaha hoteelka la weeraray xalay ayaan weli ka hadlin weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay xiisad siyaasadeed oo xoogani ka jirto Puntland, isla markaana ay shalay kooxo Al-shabaab ka tirsani ay soo weerareen Kantaroollada laga soo galo xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka iyo cid ay dowladda Puntland ku eedeysay, balse waxaa dhawaanahan ka taagnaa deegaannada Puntland xiisado ka dhashay muddo kororsi uu sameeyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ku adkeysanaya in halka sano uu qabo dastuurka cusub ee Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya