4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Qarax sababay khasaare nafeed oo xalay ka dhacay Xerada Dhagaxley oo ka mid ah Xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu xalay ka dhacay qarax xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Dadkan dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhammaantood rag ahaa ayaa la sheegay in bambaano lagu tuuray iyagoo ku sugan goob shaaha laga cabo, iyadoo kooxihii weerarkan geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

“Qaraxa ayaa xalay ka dhacay xerada Xagardheer, laba qof ayaa dhintay shan kalena way dhaawacmeen, qaraxa kaddibna xerada oo dhan bandow ayaa la saaray,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xerada.

Ciidamada booliiska Kenya ayaa goobta tagay, waxaana tan iyo xalay ay ku jireen baaritaanno ay ku raadinayeen kooxihii weerarka ka dambeeyay, inkastoo aysan jirin cid ay weli u qabteen.

Ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, balse saraakiisha booliiska Kenya ayaa ku eedeeyay weerarka Al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidammo ay ka mid yihiin kuwa Kenya.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah kuwa ugu weyn caalamka ayaa waxaa ku jira qoxooti badan oo Soomaaliyeed, iyadoo dhawaanna ay dowladda Kenya ku amartay Soomaalida ku sugan magaalooyinka inay dib ugu laabtaan xeryahaas si loo diiwaangeliyo.

Dhowr jeer oo hore ayay xeryahan ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo saraakiisha ammaanka Kenya ay weerarradaas dusha ka saareen Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid sheegatay weerarradaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya