4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo ka dalbatay Dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka dhisto Jaamacado iyo Isbitaallo

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka dalbatay dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka hirgeliiyaan jaamacado ay wax ku bartaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo isbitaallo lagu daweeyo bukaannada Soomaaliyeed.

Wasiirradda ayaa hadalkan ka sheegtay kulammo ay si gaar-gaar ah ula kala yeelatay maanta oo Jimco ah ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Bakir Buzdag iyo wasiirka caafimaadka Turkiga, Recep Adkag.

“Kulammada waxaa looga hadlay sidii ay xukuumadda Turkiga u sii wadi lahayd caawinta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo wasiiraddu ay codsatay in Turkiga uu Soomaaliya ka hirgeliyo jaamacado iyo isbitaallo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada Soomaaliya.

Dr. Maryan Qaasim waxay ka dalbatay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga inay Turkigu sii wadaan mashaariicda hormarineed oo ay Turkigu ka hir-gelinayaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Turkigu waxay ka billaabeen gudaha Soomaaliya howlo ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu ku yimid Muqdisho booqasho lama filaan ah, sannadkii 2011, markaasoo ay Soomaaliya ka jirtay abaar sababatay macluul daran.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxay waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah siiyeen arday fara badan oo Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale ka hirgeliyay Muqdisho isbitaallo lagu daweeyo bukaannada iyo goobo lagu xannaaneeyo agoonta.

Wasiiradda horumarinta adeegga bulshada ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeeyya booqasho ku joogtay dalka Turkiga, iyadoo dadaal ugu jirta sidii ay dowladda Turkiga u xoojin lahayd barnaamijyada horumarineed ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya