4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Aqoonsiga Soomaaliya ay heshay ma ahan mid cid gaar ah lagu dhibaateynayo”
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay hadal uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay in aqoonsigii uu siiyay Mareykanka dowladda Soomaaliya aanu quseyn Somaliland.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aqoonsiga Soomaaliya la siiyay ay dani ugu jirto Soomaalida oo dhan. Isagoo Intaas ku daray in aqoonsigan aysan dani ugu jirin qof iyo gobol gaar ah, balse uu yahay mid ay maslaxadi ugu jiro Soomaalida oo dhan.

"Waxaa qabaa in aqoonsiga dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ay siiyeen dowladda Soomaaliya aysan ahayn mid cid gaar ah lagu lug-goynayo ama lagu dhibaateynayo. Aqoonsigaas ma ahan mid ay dan gaar ah ugu jirto Xasan Sheekh, reer hebel uma sameyneyso dan gaar ah, balse Soomaaliya oo dhan ayuu macno u sameynayaa. Somaliland inay ka faa'iiddo mooyee wax kale oo dhib ah ugama imaanayaan," ayuu yiri Xasan Sheekh oo BBC-da la hadlayay.

Madaxweynaha Soonmaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mowifkooda yahay mid cad, isla markaana ay diyaar u yihiin in la mideeyo Soomaaliya, iyadoo aan lagu raadinayayn dagaal iyo jujuub.

"Mowqifkeenna horay ayaan u caddeynay, waxaan rabnaa in Soomaaliya la mideeyo, dagaal kuma mideyneyno, cidna culeys ma saareyno, laakiinse waxaa billowday wadahadal wixii aan isku af-garanno ayaa shaqeynaya. Somaliland iyo Puntland colaad gooni uma hayno, aqoonsiga waa mid faa'iido u wada ah Soomaalida oo dhan, dadka Soomaaliyeed ayaa u caddeynaynaa, faa'iidada magacaas ku timaada Soomaaliya oo dhan ayay wada-gaareysaa," ayuu madaxweynuhu ku yiri wargeysigiisa.

Madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo ayaa sheegay in xitaa 100-sano haddii ay kasoo wareegto aysan la midoobayn Soomaaliya, ayaanu ka madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlin isagoo sheegay inuusan hadlkaas maqal, laakiin ay muhiim tahay in isaga wax laga weydiiyo, isagoo sheegay in wadahadalka u billowday Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid lagu niyad-san yahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sharaf iyo karaamo ku yeelan karto midnimada, taasna ay u tahay faa'iido weyn u tahay Soomaalida oo dhan, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay xaqiijinayaan maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day muddo hadda laga joogo 20-sano, balse ma helin aqoonsi caalami ah, iyadoo madaxda Somaliland ay aqoonsiga dowladda Soomaaliya ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah gooni-isku-taaggooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya