
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xeerka anshaxa ururada siyaasadda ee ka qayb-gelaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.
Guddiga doorashooyinka iyo madaxda ururada-siyaasadda ayaa maanta ku kulmay xarunta hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC ee magaalada Garoowe, waxaana isla goobta xeerkan ku saxiixay shan ka mid ah lixda urur siyaaasadeed ee Puntland.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland Maxamed Xasan Barre oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey halka uu marayo geedi-socodka dimuqraadiyadda ee Puntland, wuxuuna xusay in uu xiligan meel fiican marayo.
Qodobada ugu muhiimsan ee uu xeerkani dhigayana waxaa kamid ah: In ururadu ay is tixgeliyaan muddada ay diiwaan gelintu socoto, in madaxda ururada aan loo ogolayn hub, iyo weliba qaabka ay is-diiwaan gelinta taageerayaasha ururadu u dhacayso.
Taageerayaasha laga rabo inuu urur kasta la yimaado ayaa ah ugu badnaan 313 qof, waxaana sidoo kale la shaaciyey in muddada is-diiwaan gelintu ay ku egtahay 9-ka bisha soo socota ee Febaraayo 2013.
Ururka dadka Puntland (UDAD) ayaan isagu xeerkan saxiixin, waxaana gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee ururkaasi mar uu maanta warbaahinta maxalliga ah la hadlayey sheegay, in ay dhaliilsan yihiin qaar kamid ah qodobada uu xeerkani dhigayo.
Ururada siyaasadda Puntland ee ay dhowaan guddiga doorashooyinku soo xuleen ayaa wada dadaal ku aadan sidii ay isugu diyaarin lahaayeen doorashooyinka goleyaasha deegaanka.
Waxaana xusid mudan in sadexda urur ee codadka ugu badan doorashadaas ka helaa ay noqon doonaan axsaabta rasmiga ah ee ku loolami doona hoggaanka siyaasadda ee Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shaaciyay Xeerka iyo Anshaxa Ururrada Siyaasadda ee ka qaybgalaya Doorashooyinka
More News
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Aqoonsiga Soomaaliya ay heshay ma ahan mid cid gaar ah lagu dhibaateynayo”
- UNHCR oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Kenya ay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda
- Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Somalia oo soo dhaweynaysay xiriirka cusub ee Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha
- Shacabka Somaliland oo u qaadan la' Amni-daradda ay Dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay ka jirto Somailand
- MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Nidaamka Axsaabta Waalalaheenna Somaliland ayaynu kaga dayannay" (SAWIRRO)
- Haween markii ugu Horreysay ka mid Noqonaya Ciidamada Dowladda Somalia oo Tababar looga furay Baladweyne
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacyo oo gaaray Marka
- Madaxweynaha Somalia oo Faah-faahiyay kulammo Madaxda Midowga Yurub uu kula yeeshay dalka Belgium