4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay lacag adag ku Abaal-marinayso ciddii soo gudbisa Xog looga Hortagayo Falal Ammaan-darro

Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in abaal-marin lacageed ay siinnayso ciddii gudbisa xog ku saabsan weerarro, qaraxyo iyo falal kale oo dhibaateynayo shacabka iyo xubnaha dowladda, iyagoo sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu adkanayo ammaanka dalka oo dhan.

Abaalmarinta lacageed ee ay sheegtay xukuumadda Soomaaliya inay bixinayso ayaa waxay gaaraysaa 5,000 oo dollarka Mareykanka ah, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha uu maanta abaalmarinno lacageed iyo shahaadooyin guddoonsiiyay laba askair oo la sheegay inay fashiliyeen qarax shalay ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

“Xogaha ku saabsan sugidda ammaanka dalka ee lasoo gudbiyo waxaan ballan-qaadaynaa inaan xafidayno, sidoo kale waxaan xafidaynaa qofka soo gudbiya xogta, ,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka ayaa sheegay inay xukuumaddu min 500 oo doollar iyo shahaado ay guddoonsiisay, C/samad Xasan Jaamac iyo Xasan C/lle Maxamuud oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda oo ka hortagay Talaadadii shalay Qarax uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada  dowladda oo ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu doonayay inuu ku weeraro xarunta nabadsugidda Qaraka oo ku taalla madaxtooyada Soomaaliya.

“Ruuxii sameeyay qaraxii shalay wuxuu kasoo goostay dhawaan Al-shabaab, wuxuna doonayay inuu dhibaato u geysto ha’yadda nabadsugidda, balse waxaa ka hortagay falkaas labadan askari,” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo intaa ku daray inay rajeynayan in qaraxaas uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhaca.

Inkastoo aysan jirin weli cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas ayaa haddana waxaa la sheegay in ruuxa weerarka ismiidaaminta ah fuliyay oo isaguna goobta ku dhintay lagu magacaabi jiray Cali Cabdi-xareed Maalin, kasoo si la howlgalayay ciidamada nabadsugidda Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay tan iyo dhammaadkii sannadkii hore isku dayaysay inay ka hortagto weerarrada qaraxyada ah, falalka toogashada ah iyo weliba weerarrada lagu soo qaado xarumaha dowladda, iyadoo ay ka socdeen Muqdisho howlgallo looga horatagyo falalkaas ammaan-darrada ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya