4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Ra'iisal Wasaare Saacid oo xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasada

Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Farax Shir-doon (Saacid) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay ee arrimaha Siyaasada, Jeffrey Feltman iyagoo ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin, doorka ay Qaramada Midoobay doonayso inay ka ciyaarto geeddi socodka nabadda Soomaaliya iyo taageerada ay ka geysan karto arrimaha garsoorka, amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra'iisal wasaaraha Saacid ayaa sheegay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Qamarada Midoobay ay u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya, gaar ahaa taaba-gelinta qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada garsoorka, sugidda ammaanka dalka iyo dib-u-dhiska guud ee dalka.

"Waxaanu si qota-dheer uga wadahadalnay qodobbo badan oo ay ugu horreyso aragtida Soomaaliyada cusub iyo sidii Qaramda Midoobay ay uga taageeri lahayd in Soomnaaliya ay awood u yeelato sugidda ammaanka iyo dib-u-dhiska dalka," ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yiri shir jraa’id oo uu wadajir ula qabtay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee siyaasadda, isagoo sheegay in booqashadan ay calaamad u tahay sida caalamku u doonayo inuu ku garab-istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kaaliye Jeffrey oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato ra’iisul wasaaraha Soomnaaliya; isagoo tilmaamay in kulankan uu daba-socdo kulan dhawaan dalka Itoobiya ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

"Runtii kulankan wuxuu ahaa kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan," ayuu yiri Feltman oo xusay in Qaramada Midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab-istaagi karto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go'aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.

Kaaliyaha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in go’aan ka gaarista aayaha Soomaaliya uu ku jiro gacanta madaxda Soomaalida iyo shacabkood.  Isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay raacyayso go’aammada ay gaaraan shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda, isagoo dhanka kale xusay inay taageero u hayaan dowladda iyo qorsheyaasheeda lixda ah oo haddii la taaba-geliyo ay keeneysa horumar weyn oo dhinac kasta leh.

Kulankan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo kaaliyaha xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsn dhinaca siyasadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Ebyan Nuur. Iyadoo dhinaca Qaramda Midoobay waxaa ka socday xoghayah guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjira Augustine Phillip Mahiga.

Tan iyo markii lasoo doortay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo kordhayay saraakiisha caalamiga ah ee soo gaaraya Muqdisho, kuwaasoo kulammo kala duwan duuwan la qaadanayay madaxda dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya