4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Hay’adda SOYDEN oo Degmooyinka Gobolka Banaadir u furtay Wejigii labaad ee Barnaamij loogu Magacdarey Tiraanyo-bixin


Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa ku qabtay hoteelka Palace City ee magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad ku saabsanayd furitaanka wajiga labaad barnaamij loogu magacdarey Tiiraanyo-bixin kaasoo muddo laba bilood ah ka socon doona degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay guddiyada nabada ee degmooyinka gobolka, xildhibaanno, wasiiro, madaxda gobolka iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana barnaamijkaan maal-gelinaya haya’dda Qaramada Midoobey u qaabilsan haweenka ee (UN Women)

Ugu horreyn, waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay guddoomiyha SOYDEN, Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax); wuxuuna sheegey in barnaamijkaan uu yahay mid ay ka qab-qaadanayaan guddiyada nabadda degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo shacabka lagu wargelinayo dib u heshiisiinta iyo nabadda; isagoo xusayi nuu daba socon doono barnaamij kale oo loogu magic-daray Tiiraanyo-bixin maadaama ay dalka ka dhaceen xad-gududbyo waaweyn 22-kii sanno ahayd ee lasoo dhaafay.


Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in barnaamijka Tiiraanyo-bixinta uu xoogga saari doono dhinaca haweenka, maadaama ay haweenka yihiin kuwii ay ku dhaceen dhibaatooyinkii ugu badnaa ee dalka soo maray , isago intaas ku daray in barnaamjikii hore ee loo qabtay degmaayinka gobolka Banaadir ee Tiiraanyo-bixinta si weyn loogu faa’iideystay , isagoo u soo jeediyay guddiyada nabadda ee degmooyinka gobolka Banaadir inay laba-jibaaraan dadaalkooda ku aaddan nabadda , dib-u-heshiisiinta iyo Tiiraanyo-bixinta.

Waxaa kaloo munaasbadaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, Sheekh Cali Guure oo isgana sheegay in loo baahan yahay inay dadku is-cafiyaan maadaama is-cafintaas ay ka helayaan ajar iyo xasanaad, sidoo kale wuxuu sheegey in diinta Islaamka ay nafareyso in dadka isku duqaaataan isla markaa ay isku sabraan taasoo uu sheegay in lagu gaari karo nabad iyo horumar.

Munaasabadaas intii ay socotay mararka qaar dadka lagu maaweelinayay suugaan ka turjumeysay nabada iyo dib-u-heshiisiinta, waxaa kaloo ka hadlay guddoomiyha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo dhaweeyay barnaamjika Tiiraanyo-bixinta ee ay waddo hay’dda SOYDEN maadaama Wajigiisii hore ee barnaamijkan si weyn looga faa’iidaystay.


Duqa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay hay’adda SOYEDEN inay gaarsiiso barnaamjikan hay’adaha dowladda maadaama buu yiri ay jiraan dad Tiiraanyo ka qaba habka dowladnimo ee jira. Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay shacabka gobolka Banaadir inay dadaal u gaalaan sidii dadka haysta hantida dadka kale loogu celin lahaa dadkii lahaa.

"Dad baa Tiiraanyo ka qaba habka 4.5-ka, waa in dadkaasi laga baabi'iyaa tiiraanyada. Dad baa tiiraanyo ka qaba magaalada Muqdisho iyagana waa in tiiraanyadaas laga baabi’iyaa, waana in dhammaan bulshada Soomaaliyeed Tiiraanyada laga tiara," ayuu si kulul u yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, waxaa barnaamijkan furay wasiir ku xigeen wasaaradda Cadaaladda iyo dib-u-heshiisiinta, Fahmo Axmed Nuur oo u mahad-celisay intii isku soo dubariday barnaamjika Tiiraanyo-bixinta waxayna ku tilmaantay barnaamjikaan mid wax ka taraya dib u heshiisiin iyo nabadda dhab ah oo ka dhacda guud ahaan dalka; waxayna ka codsatay SOYDEN oo ku howlahan barnaamijka Tiiraanyo-bixinta inay gaarsiiyaan gobollada dalka oo dhan; sidoo kale waxay soo dhaweysay hadalkii guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa barnaamijkan in la gaarsiiyo hayaadaha dowladda Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya