4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
WFP oo Howlo gar-gaar qeybin ah ka billowday Magaalada Kismaayo

Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Barnaamijka cuntada aduunka (WFP) ayaa howlo raashiin qeybin ah ka bilowday degmada Kismaayo oo ay ku noolyihiin dad badan oo kasoo barakacay gobollada dalka Soomaaliya islamarkaasina ay saameeyn ku yeesheen abaarihii ku dhuftay dalka.

Hay’adda ayaa la sheegay in ay magaalada ka bilowday raashiin qeybin iyo weliba goobo dadka lagu quudiyo oo ay ka faa’iideysan doonaan qoysas aad u badan oo ay heysteen dhibaatooyin dhanka nolosha ah.

Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya Stefano Porretti ayaa sheegay in ay dib u bilaabeen howlihii gargaar ee ay ka sameyn jireen gobollada Jubooyinka oo uu xusay in ay ku noolyihiin dad aad u dhibaateeysan islamarkaana u baahan in la gargaaro.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in xaaalado nabadgelyo xumo oo halkaasi ka jiray in ay hakiyeen adeegyadii ay ka wadeen gobollada Jubooyinka, wuxuuna intaa ku daray in imika ay muhiim tahay in ay caawiyaan dadka ku dhibaateeysan Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxa ku yaal in ka badan 50 kaam oo ay ku jiraan qoysas ay siweyn u saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya islamarkaasina aan mudo dheer wax gargaar biniaadanimo ah ka helin hay’addaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya