4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Wasiirradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain oo ku kulmay London

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Wasiirradda arrimaha dibadda ee  Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britain, William Hague ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada London ee xarunta dalka Britain, waxayna kulankooda kaga hadleen xoojin xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

Kulanka wasiirrada oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain aya wuxuu qaaday muddo saacado ah, iyadoo markii uu kulank soo xirmay ay labada wasiir arrima dibadeed ay si wadarjir ah ula hadleen saxaafadda.



“Waxaan bogaadinayaa horumarka ay dowladda Soomaaliya gaartay, anigu Muqdisho ayaan tagay sannadkii hore waxaana ku arkay horumar baaxad leh. Britain waxay ballanqaadaysaa inay kordhiso kaalmada ay siinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya sannadkan 2013,” ayuu yiri Hague.



Sidoo kale, wasiirku wuxuu ammaanay howlgalka ay ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo xusay in dagaalkii lala galay Al-shabaab laga gaaray guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin in dhul badan laga qabsado.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka wuxuu ahaa mid aan uga hadalnay arrimo badn oo ay ka mid yihiin: nabadgalyada, adkeynta xiriirka labada iyo sidii dib loogu furi lahaa safaaradihii labada dal,” tiri wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf.

Wasiiraddu waxay hadalkeeda ku dartay in qodobbada ay isla soo qaadeen iyada iyo Hague ay ka mid ahaayeen sidii Safaarad Soomaaliyeed looga furi-lahaa dalka Britain.



Socdaalkan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa wuxuu gogol-xaar u yahay shir la qorsheynayo in uu bisha May ka dhaco magaalada London uuna ka soo qayb-galidoona Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Marwa Fowzia ayaa la filayaa in bishan 7deeda kula kulanto magaalada Rome wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga mudane Giulio Terzi



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Sawirada: Ibrahim Baafo, HOL, London