4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
AMISOM iyo Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya oo cambaareeyay Weerarkii Ismiidaamintii ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Anaadiif iyo danjiraha Tallyaaniga ee Soomaaliya, Mr. Andrea Mazzella ayaa cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkan oo aysan jirin cid sheegatay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo uu ku jiray ruuxii ismiidaamint sameeyay, iyadoo danjirayaasha ay amaaneen ciidamada dowladda oo ka hortagay in weerarkaas uu gaaro halkii lagu bartilmaameedsanayay.

"Fal taariikhi ah ayuu sameeyay askarigii dhintay iyo ciidamadii kale ee wehlinayay, kuwaasoo badbaadiyay nolosha Soomaali fara badan," ayuu yiri danjire Anaadiif oo intaas ku daray in weerarkan uu kusoo beegmay xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xilligii ay ugu nabadda badnayd muddo labaatan sano ah.

Danjiruhu wuxuu sheegay in AMISOM ay sii wadayso taageerada ay ku dhisayso awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya si u difaacaan shacabka Soomaaliyeed. Isagoo tacsi u diray ehellada iyo saaxiibadii askarigii ku dhintay qaraxaas, kuwii ku dhaawacmayna wuxuu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid fuleynimo ah, isagoo sheegay in dowladdiisa ay kala shaqeynayso dowladda Soomaaliya dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii lagu soo celin lahaa nabadda dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

"Waxaanu tacsi u diraynaa ehellada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii fashilmay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri danjire Mazzella. Isagoo xusay inay ammaanayaan ciidamada Somalia oo la hardamaya xaaladdan adag ee uu dalku ku jiro.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay afaafka hor ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhow madaxtoooyada kii ugu horreeyay oo sannadkan ka dhaca agagaarka madaxtooyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya