4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya


Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Adrea Mazzela isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dalka.

Kulan qaatay muddo saacad ah kaddib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay ra’iisul wasaare saacid iyo danjire Mazzela oo ka hadlay wixii ay kaga hadleen kulankooda.

“Sida aynu ka warqabno xiriir taariikhi ah ayaa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana aad uga mahadcelinaynaa taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu ay la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u billaaban doona labada dowladood, isagoona ka duwanaan doona xiriirkii ka dhexayn jiray labada dal,” ayuu yiri Saacid oo intaas ku daray:

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay soo dhaweynayaan xiriirka hada billowday inuu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg-dego. Si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dalna waxaan ka codsanaynaa Talyaaniga inay soo dedejiyaan furitaanka safaaraddooda Soomaaliya.”

Sidoo kale, danjirah Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa sheegay dhankiisa in xiriir dhow ee dhex-mara labada dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.

“Waxaan mahad-ballaaran u soo jeedinayaa sida wanaagsan ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyay, waxaana balan-qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto dhinacyada, horumarinta gaashaandhigga, cadaaladda, waxbarashadda, caafimaadka iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu dhankiisa yiri danjire Mazzela.

Danjiraha Talyaaniga ayaa intaas ku daray inay xiriir siyaasadeed oo toos ah la yeelan doonaan dowladda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax-qabad la taaban karo boqolka maalmood ee lagu dhex-jiro.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman,dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba-marinta, ayna billowday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arrinkaas laga dareemo dhammaan dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya