4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Wasiirka arrimaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo sheegay inay Kalsooni ku qabaan Nabadgalyada Somaliland


Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay baadhanayaan cabsida ay ingiriisku ka muujiyey nabadgalyada dalka, waxaaanay xuseen in aanay wax cabsi ah iyo nabadgalyo daro jirin oo ay nabadu ku jirto gacanta ciidamadda amniga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliand Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xalay xilli dambe abaaro tobankii iyo dheereed habeenimo shirjaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland ayaa shacabka Somaliland iyo Beesha caalamka u sheegay in aanay jirin nabadgalyo daro, baadhitaanka ay wadaan ay ku baadhayaan cabsida uu dawlada Ingiriisku ka muujiyey Somaliland.

“Waxaan dowlada Somaliland heshay fariin ka timid dawlada ingiriiska oo muujinaya dareenka xaga nabadgalyada ah oo ah  arrimaha guud ee xaga argagixisada ah, waxaan shacabka reer somaliland, ajanibiga iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa in aanay xukuumadda Somaliand hayn wax cabsi ah ama dareen ah oo la xidhiidho nabaddgalyada  dlaka, nabad galyada dalka waa mid sugan oo ku jirta gacanta ciidanka amniga iyo hay’ada amniga,waxaana u sheegayna in aanu kalsooni buuxda ku qabno snabadgalyada somaliland”ayuu yidhi wasiirak Arrimaha dibada Somaliland oo ka hadlayey fariin ay dawlada ingiriiska usoo dirtay shacabkeeda ku nool Somaliland u dirtay digniin ah inay iskaga soo baxaan arrimo xaga nabadgalyada ah.

“Dareenkan waa mid aanka duwanayn darenada amni darada ka jirto mandqada, waanu baadhaynaa laakiin wax cabsi ah oo ka jirta ma jirto, beeshana caalamka waxaanu u sheegany in uu dalku yahay mid nabadgalyo oo wax dareen ah oo aanu ka qabnaa aanay jirin”ayuu hadaliisa raaciyey.

Mar la waydiiyey sababta Somaliland gaar loogu xusay fariintaasi waxa uu kaga jawaabay “ dareenka dawlada ingiriiska ka yimid ee aanan la qabin waxa uu si gaar ah u xusay Somaliland sababtuna waa meesha dadka ingiriiska iyo beesha caalamku u haydaan (Somaliland) oo ay isku hubaan amnigooda, Soomaliya inta ay yimaadaan ayey ka noqdaan, laakiin  halkani waa meel ay Maraykanka iyo Ingiriiska iyo caalamkaba u hoydaan oo ay habeeno seexdaan, taas ayaa keentay in si gaar ah Somaliland u xusaan”.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay kulan uu la yeeshay weftigii Maraykanka ahaa ee Shirka midowga Afrika ee Addis ababa ka dhacayey ka qaybgalay, waxaanu xusay in uu kala hadleen xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka u dhexeeyey iyo waxa iska bedelay aqoonsiga uu siiyey Soomaaliya.

“Waxaan caawa (xalay) ka soo noqday safar aan itoobiya ku manqaa, waxa halkaasi ka furmay shirkii sanadle ahaa ee dawlada afrika, waxaana shirkaasi isku aragnay oo noo suurogashay in aanu la kulano wefti ka socda dawlada Maraykanka, waxa dhowaan xidhiidh aqoonsi dhex maray dawlada cusub ee soomaaliya iyo Maraykanka, si aanu u xaqiijino xidhiihdkii hore uga dhexeeyey Somaliland iyo Maraykanka, waxaanu  kulan la yeelanay weftigii ka socay Maraykanka, waxanay weftigaasi noo sheegeen in madaxweynaha Soomaaliya kala hadleen intii aanay dawlada Maraykanku u fidinin aqoonsiga in aqoonsigaasi saameyn ku yeelan xidhiidhkii iyo wada shaqayntii Somaliland iyo Dalka Maraykanka, haday tahay xidhiidhka xaga horumarka iyo iskaashiga, nabadgalyada iyo siyaasada, wixii hore uga dhexeyn jiray in aanay saamayn ku yeelan karin xidhiidhkaasi ay la yeelanayso Somaliya iyo Maraykanka”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wefti ka socda Koonfurta Suudaan ay shirkaasi isku arkeen, kuwaas oo ku heshiiyeen inay is waydaarsadaan Wakiilo, waxaanu wasiirku sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan safaarada uga furanayaan koonfurta suudaan “ weftigii ka socday Koonfurta Sudaan waxaana kala hadalnay in labada dal iswaydaarsadaan safaaraddo, waxaana ku heshiinay in sida ugu dhakhsaha badan loo ogol yahay in safiirkeenii ka samaysano magaaladda Juba”

Si kastaba ha ahaaatee, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliand Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa xalay ka soo laabtay safar shaqo uu ku joogay magaaladda Addis Ababa oo uu sheegay in weftiyadii dalalka caalamka ka socday ee shirkii midowga Afrika ka soo qaybgalay ay kulano gaar ah la yeesheen, isla markaana kala hadleen arrimo Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland