4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Dowladda Britain oo uga digtay Muwaadiniinteeda inay Somaliland sii Joogaan iyo Somaliland oo ka hadashay Digniintaas

Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda ku sugan Somaliland inay si dhaqso ah uga baxaan halkaas, kaddib markii ay soo baxeen sida warbixinta lagu xusay khataro cusub oo kusoo food leh dadka reer galbeedka ah ee Somaliland ku sugan. Iyadoo naamulka Somaliland uu arrintaas ka hadlay.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqa-sooranka wuxuu ku taliyay inaan wax socdaal ah lagu tegin Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland; waxaana lagula talinayaa dhammaan dadka muwaadiniinta Britishka ah inay ka baxaan.

Khatarta ku wajahan Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay: afduub dhaqaale doon ah ama siyaasad la xiriira iyo sidoo kale afduubyo la xiriira dambiyo ay ka mid yihiin argagaxisonimo, taasoo ka jirta baa lagu yiri qoraalka Somalia oo dhan.

Balse maamulka Somaliland ayaa sheegay inaysan khatari ka jirin Somaliland ayna xaqiijinayaan ammaanka dadka ajnabiga ah ee ku sugan iyo kuwa Somaliland, kaddib shir deg-deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada Somaliland.

 “Shacabka Somaliland, dadka Britain ee ku nool Somaliland iyo calaamka waxaan ogeysiinaynaa in ammaanka Somaliland uu yahay mid aanay cabsi ka jirin oo aanu gacanta ku hayno, isla markaana la sugayo amaanka guud ee dadka ku sugan Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arirmaha dibadda ee Somaliland oo saxaafadda kula hadlay xalay Hargeysa.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inay baaritanano ku sameyn doonaan dareenka kasoo baxay dowladda Britain ee ku saabsan khataraha kusoo wajahan Somaliland.

Hadalka digniinta ah ee kasoo baxay dowladda Britain ayaa wuxuu kusoo beegmayaa, iyadoo toddobaad ka hor ay dowladda Mareykanka si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya