4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Howlgallo ay ciidamada Dowladda Somalia ka sameeyeen oo lagu qabqabtay ciidammo dhac u geysta Shacabka

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowalddu ka sameeyeen maanta degamada Hodan, gaar ahaan xaafadda Taleex illaa tarabuunka ayay kusoo qabqabteen 13-ruux oo sagaal ka mid ah ay ahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo afar qof oo shacab ah.

Kooxahan la qabqatay ayaa la sheegay in toddoba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada xoogga dalka, laba ka mid ah booliis iyo afar qof oo saraakiisha booliisku ay sheegeen inay dhici jireen dadka shacabka ah.

“Waxaa suurogashay in 13 ruux oo burcad ah lagu soo qabqabto howlgallo ay sameeyeen ciidamada dowladda, kuwaasoo caadeystay inay maalin iyo habeen dadka dhacaan,” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay goob lagu soo bandhigay kooxdan burcadda ah.

Taliyaha ayaa sheegay in muddo dheer lagu soo wargelinayay inay dadkan dhac ka geysanayeen inta dhexeysa xaafadda Taleex iyo Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan, iyadoo sheegay inay sii socon doonaan howgallada ay kusoo qabanayaan kooxaha dhibaatooyinka geysanaya.

Dhanka kale, hay’adda nabadsugidda ayaa iyaduna soo bandhigtay 10-ruux oo la sheegay in looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo laga soo dhex-saaray 500-qof oo lagu qabtay howlgallo shalay laga sameeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay waxay howgallo kawadeen degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen xubno ay uga shakiyeen inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya