4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Isbitaal casri ah oo ay Maal-geliyeen Shacabka Talyaanigu oo laga Hir-geliyay Magaalada Hargeysa ee Somaliland [SAWIRRO]


Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Isbitaal cusub oo lagu daweyn dooona caruurta iyo hooyooyinka, ayaa laga furay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay maalgalinayaaan shacabka Talyaanigu.

Isbitaalkan ayaa waxa loogu magacdaray Dr:Maxamed Aadan Sheekh oo ah dhakhtar ka shaqayn jiray dalka Talyaaniga balse hamigiisu ahaa in uu dhakhtar weyn ka dhisay deegaanadda Soomaalidda, haseyeeshee aanay u suurtogalin oo isagoo hindisiisi bilaabin uu geeriyooday,waxaana fikikriisii halkii ka sii waday xaaskiisa oo ay taageerayaan dhakhaatiir Talyaani ah iyo shacabka Talyaaniga oo uu la shaqayn jiray, waxaana fursad u helay in cisbitaalkaasi laga hirgaliyo magaaladda Hargeysa.

Munaasibad lagu furayey cisbitaalkaasi waxa ka soo qaybgalay  Gudoomiyaha Golah wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Marwada koowaad Somaliland marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo ku xigeenkiisa iyo Wasiirka wasaaradda qorshaynta Dr Sacad Cali Shire iyo  marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa sheegay in Marxuum  Maxamed Aadan Sheekh ALLE ha u naxariistee ay maanta u suurtogashay inuu fikirkiisii uu doonayey inuu cisbitaal weyn ka dhiso Somaliland ay hirgashay, iyagoo ay taageerayaan macalimiinta Jaamacadda Turino ee Dalka talyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha wakilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr; Xuseen Muxumud Maxamud (Xuseen Xoog), Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa iyaguna si weyn usoo dhoweeyey furitaanka cisbitaalkan oo loo dhisay qaab casri ah, waxaanay si weyn ugu mahad celiyeen cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha cisbitaalka.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Dhakhaatiir talyaani oo ballanqaaday in shacabka iyo dawladda Talyaaniguba sii wadi doonaan taageradda lama huraanka ah ee uu cisbitaalku u baahan yahay, iyagoo lagu dari doono qaybo kale oo casri ah.

Dhulkan laga dhisay cisbitaalkaasi waxa hore ugu deeqay xukuumaddii Daahir Rayaale, waxaanu Cisbitaalku dhinaca bari kaga beegan yahay cisbitaalka dhexe ee magaaladda Hargeysa, kaas oo si balaadhan loo qalabeeyey, isla markaana loo dhisay qaab casri ah, taas oo faa’iido badan u leh hooyooyinka iyo dhalaanka Somaliland.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland