4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Ciidamada Badda Puntland oo Howgallo ay sameeyeen Gobolka Mudug kusoo qabqabtay Kooxo Burcadbadeed ah

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Ciidamada Puntland ayaa howgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tiran gobolka Mudug waxay kusoo qabqabteen 10 ruux oo burcadbadeed ah, iyagoo sheegay in howgalkan uu ahaa mid ay kula dagaalamayeen burcadbadeedda.

Howgalkan oo ahaa mid saf-ballaaran ah ayay ciidamadan ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jarriiban, iyagoo saraakiisha howgalkan hoggaaminayay ay sheegeen in kooxahan ay dhibaatooyin ku hayeen dadka ku nool deegaanka.

“Howgalkan wuxuu ahaa mid lagula dagaalamayay kooxaha burcad-badeedda ah oo dhibaatooyin ku haya dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,” ayuu yiri sarkaal u hadlay maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

Burcadbadeeddan ayaa lagu xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo lagu wado in maxkamad la horgeeyo, balse saraakiisha gobolka Mudug waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan xilliga kooxahan la horgeyn doono maxkamadda.

Dhanka kale, saraakiisha gobolka Mudug ee Puntland waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howgallada ay kula dagaalamayaan burcadbadeedda si ay u qafiifiyaan dhibaatooyinka ay burcaddu ku hayaan dadka iyo deegaanka.

Puntland oo ka mid ahayd goobaha ay saldhigyada waaweyn ku lahaayeen kooxaha burcadbadeedda ah ayaa waxay sanadkii hore billowday dowladda halkaas ka talisa dagaal ay la galeen kooxaha burcadbadeedda ah, iyadoo soo qabqabtay tiro burcadbadeed ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya