4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay saddex Sarkaal oo ku eedeysan inay musuq-maasuqeen Deeqo waxbarasho


Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Wasiiradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim ayaa sheetay in xukuumadda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay saddex sarkaal lala xiriiriyay arrimo ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyay deeqo waxbarasho oo Soomaaliya ay ka heshay dalka Turkiga.

Wasiiradda ayaa sheegtay in saraakiishan la xiray uu ku jiro agaasimihii guud ee wasaaraddii waxbarashada Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu lacago ka qaatay dadka uu deeqda waxbarsho siiyay.

“Waan la soconnaa xariga agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada iyo laba ruux oo kale kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay is-daba-marin ku sameeyeen deeqo waxbarasho oo la helay,” ayay tiri wasiiradda.

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay inuu socdo baaris arrintan ku saabsan.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011 waxay deeqo waxbarsaho siiyeen arday Soomaaliyeed oo ka baxay dugsiyada sare ee dalka, iyadoo ay jireen tan iyo xilligaas in la musuqmaasuqo deeqaha waxbarasho ee uu Turkigu ugu deeqo ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday markii la doortay bishii September ee sannadkii hore inuu la dagaalamo doono musuqmaasuqa muuqda iyo midka qarsoon, ayna abuuri doonaan hab cadaaladeed shaqeynaya, kaasoo si simman ugu shaqeynaya shacabka Soomaaliyeed.

Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay inay sii daayeen gacan-ku-diigley lagu magacaabi jiray Axmed Salaad Xasan oo Muqdisho ku dilay bishii Decmber ee sannadkii 2011 shaqale ajnabi ah oo u shaqeynayay hay’adda MSF, waxaana laga sii-daayay xabsiga dhexe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya