4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Idaacad Cusub oo laga furay Magaalada Kismaayo

Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Munaasabadda furitaanka idaacaddan cusub ayaa maanta ka dhacday xaruntii hore ee Gobolka ee loo yaqaan (K2) iyadoona ay kasoo qeybgaleen madax katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay maamulka KMG magaalada Kismaayo.

Idaacaddan cusub oo loogu magacdaray Radio Kismaayo ayaa maanta si tijaabo ah hawada u soo gashay iyadoona laga dhageysan doono mowjadda FM-ka.

Idaacadan oo masuuliyiintii goobta ka hadashay ay sheegeen in ay noqon doonto mid dhexdhexaad ah islamarkaasina u adeegta shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ayaa waxaa soo dhiibtay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Xaaji Cabdi oo xubin ka ah wasaaradda warfaafinta oo hadal ka jeediyay xafladii furitaanka ayaa sheegay in idaacadda cusub ee maanta laga hirgeliyay magaalada Kismaayo ay noqon doonto mid aan cid gaar ah u shaqeyn islamarkaasina dhexdhexaad ah, wuxuuna xusay in ay ka qeyb qaadan doonto nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku dhaqan Jubooyinka.

Gudomiye k/xigeenka maamulka KMG Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) iyo afhayeenka ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo iyaguna hadallo ka jeediyay munaasabadda ayaa si diiran usoo dhaweeyay idaacadda cusub, waxayna ku tilmaameen in ay tahay tallaabo hore loo qaaday.

Sidoo kale munaasabadda furitaanka idaacadda waxa hadallo ka jeediyay aqoonyahanno, odoyaal dhaqameed iyo qaar katirsan ururrada bulshada, kuwaasoo dhamaantoodba muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin idaacadda cusub ee laga hirgeliyay gobolka.

Tan iyo wixii ka danbeeyay sanadii 2008 oo ahayd markii ay xoogagga Al-shabaab ilbaababada isugu dhufteen idaacaddii Horn Afrik xarunteeda kismaayo, gobolka Jubada hoose kama jirin wax idaacad ah marka laga reebo idaacaddii ku hadli jirtay afka xarakada Al-shabaab ee Radio Al-andalus taasoo iyana hawada ka baxday dabayaaqadii bishii September ee sanadii tagtay, kadib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya