4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay inay wax ka Qabanayso hoos u dhaca ku yimid shillin Soomaaliga

Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso hoos u dhaca ku yimid shillinka Soomaalga iyo sirir bararka raashinka, iyadoo wasiirka maaliyadda uu sheegay inay qaadi doonnaan tallaabo ay wax uga qabanayaan arrinaas.

Maxamuud Xasan Suleymaan oo la hadlayay idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan isbedelka ku imaanaya sarifka lacagaha oo aan sal lahayn tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan la soconnaa in safirka doollarka uu hoos u dhacay, maciishaduna ay weli kacsan tahay, waxaana sababay arrintaan lacagta doollarka oo si aad u soo gashay suuqyada iyo lacag shillin Soomaali ah oo dhawaan ku gubatay Boosaaso,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagta doollarka ah ayaa wuxuu saameyn  xooggan ku yeeshay dadka danta yar iyo kuwa lacagaha ka hela dibadda, iyadoo aanay jirin wax hoos u dhac ah oo ku yimid qiimaha lagu iibsado raashinka.

“Xukuumaddu waxay dadaal u galaysaa sidii ay isbedelka lacagta wax uga qaban lahayd, innagoo la kaashanayna arrintaas hay’adaha maaliyadda ee dowladda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray inay lacag keenayaan si ay wax uga qabtaan fadhi la’aanta sarifka lacagta adage e doollarka, isagoo qiray inay ka tabaabusheysanayaan in sidaan oo kale aysan dhicin.

Sarifka doollar ayaa waxaa maalmo ka hor lagu sarrifayay halkii doollar doollar - 22,000 oo shillin Soomaali ah, halka uu maanta ka yahay 19000 oo shillin Soomaali ah, iyadoo suuqyada safirka lacagaha ay maamulaan shirkado gaar ah loo leeyahay iyo ganacsato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya