4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Dowladda Kenya oo Weydiisatay Qaramada Midoobay in loo celiyo Dhaqaalihii kaga baxay Howgalkii Ciidan ee Soomaaliya


Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Macharia Kamau ayaa weydiistay Qaramada Midoobay in dalka Kenya loo celiyo dhaqaalihii kaga baxay howgalkii milateri ee ay ku galeen Soomaailya.

Golaha wasiirrada dalka Kenya oo Khamiistii shalay kulan ku yeeshay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in Kenya ay magdhow ahaan u heshay lacag gaaraysa 28-milyan oo doollar, iyagoo sheegay in howlgalka Kenya uu kaga baxay dhaqaale dhan 98-milyan oo doollar.

Qaramada Midoobay ayaa bishii July ee lasoo dhaafay u ballanqaaday inay Kenya siinayso 131-milyan oo doollar, balse ay heleen oo keliya 941,000 oo doollar, sida uu baahiyay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi.

“Dhaqaalahan wuxuu ahaa mid loogu talogalay in ciidamada Kenya lagu diyaariyo looguna iibiyo qalab ay ciidamadu ku howlgalaan,” ayuu Kamau u sheegay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Isagoo intaas ku daray inaysan u dulqaadanayn in bixinta dhaqaalahaas uu dib u dhaco.

Golaha wasiirrada Kenya ayaa sheegay  in dhaqaalaha loo baahan yahay in lagu maal-geliyo barnaamijyo deg-deg ah oo lagu horumarinayo bulshada iyo dhaqaalaha dalka oo hoos u dhac uu ku yimid.

Ciidamada Kenya ayaa si iskood ah u galay Soomaailya bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeysay afduubyo, qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanno ku dhow xuduuda Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya, iyadoo ciidamada Kenya ay sannadkii lasoo dhaafay ku biireen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya