4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hoosta ka xariiqay in Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas

Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid laga maarmaan ah oo howlaha horyaalla dowladda ay ka mid yihiin sidii midnimada ummaddan loo ilaalin lahaa.

Mudane Saacid ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay yihiin kuwo si wadajir ah u shaqeynaya, caalamkana uu ka dalbanayo inay dowladda Soomaaliya ku garab-istaagaan soo celinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Shacabka waxaan ugu baahanaa inay ka shaqeyaan midnimadooda; waayo wadajir la’aan lama gaari karo hadafka la higsanayo. Beesha Caalamkana waxaan ka codsanayaa inay ku taageeraan shacabka Soomaaliyeed sidii ay horumar ku gaari lahaayeen,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri hadal dheer oo uu shalay ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay aqoonsigii ay dowladda Mareykanku siisay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dadaal u geli doono sidii ay horumar ku gaarsiin lahayd shacabka Soomaaliyeed kaddib 22-sano oo ay colaado iyo dhibaatooyin kusoo jireen.

“Waxaa ii muuqda mustaqbal ifaya. Haddeynaan isku dhuubnaa oo aanan joojin hadallada aan macnaha badan lahayn iyo kutiri-ku-teenta ma gaari karno halka halka aan doonayno inaan gaarno, waana kala daadan doonnaa,” ayuu yiri mudane Saacid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladda gacan ku siiyaan sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka, isagoo xusay in hadafkoodu uu yahay in Soomaaliya ay gaarsiiiyaan meel ka wanaagsan halka ay hadda joogto.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka loo magacaabay horraniti bishii November ee sannadkii hore, isagoo soo dhisay xukuumad tiro yar oo ay ku jiraan laba haween ah oo middood loo dhiibay xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya