4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Saraakiisha Kenya oo sheegay inaysan Xarakada Al-shabaab kala Xaajoonayn Muwaadiniin Kenyan ah oo u Afduuban


Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay Khamiista maanta ah inaysan Al-shabaab kala xaajoon doonin la-haystayaal dalkeeda u dhashay oo ay Al-shabaab ku goodisay inay dili doonaan muddo saddex toddobaad gudahood ah, haddii aanay xukuumadda Kenya sii-dayn muslimiin ku eedeysan argagaxisonimo oo ku xir-xiran xabsiyada dalkaas.

Al-shabaab ayaa Arbacadii shalay sii-daysay cajalad ay kasoo muuqdeen laba lahayste oo Kenyan ah, kuwaasoo afduub ay u qabsadeen sanad ka hor, iyagoo sheegay in ay ku badbaadi karaan Kenya oo fulisa amarkooda.

“Xukuumadda Kenya lama xaajoojinayso koox argagaxiso, Al-shabaab waa dambiilayaal mudan doona ciqaab,” ayuu yiri afhayeenka milateriga dalka Kenya Col. Cyrus Oguna.

Maalmo ka hor ayay Al-shabaab dileen Denis Allex oo ahaa la hayste dalka Faransiiska u dhashay oo ay in ka badan saddex sano afduub ku haysteen, kaasoo ay sheegeen inuu u dhintay weerarkii fashilmay ee ciidamad garka ah ee Faransiiska ay ku qaadeen deegaanka Buulo-mareer.

Col. Oguna ayaa sheegay in maxaabiista ay soo bandhigtay Al-shabaab aysan ahayn maxaabiis dagaal, balse ay yihiin dad rayid ah oo lagu kala magacaabo Mule Yesse Edward iyo Fredrick Irungu oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee Kenya.

Sidoo kale, muuqaalka cajalada ah ayaa waxaa kasoo muuqday sawirrada afar qof oo ay Al-shabaab ku sheegtay inay yihiin maxaabiis dagaal, balse Oguna ayaa sheegay inaysan ogeyn ciidammo Kenyan ah oo maxaabiis ahaan loo haysto.

Dhanka kale, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Thuita Mwangi ayaa sheegay inuusan fiirsan cajalada sidoo kalena uusan akhrin farriinta Al-shabaab, laakiin siyaasadda Kenya aysan ku jirin in lala xaajoodo koox malleeshiyo ah.

Kenya ayaa xabsiyada dalkeeda ku haysa dad badan oo ku eedeysan inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, sidoo kalena waxay dalka Uganda u gudbisay kooxo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ka dhacay sannadkii 2010 kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo ay ku dhinteen 76 qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya