4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo ka Qayb-galay kulan lagu soo dhaweynayay Aqoonsigii Mareykanka

Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno wasiirro ah ayaa ka qaybgalay maanta Khamiis ah xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay aqoonsigii Mareykanku siiyay dowladda Soomaaliya oo lagu qabtay hoteel ku yaalla Muqdisho.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dowladda Soomaaliya la aqoonsado, wuxuuna xusay in taasi ay ku timid dadaal badan oo lagu bixiyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dalka ka jiray.

“Beesha caalamku waxay aad uga hadleen isbaarooyinkii la qaaday, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya shacabka, sidoo kale aqoonsigan wuxuu ku yimid waxqabadkii ay dowladdu la timid muddadii yareyd ee ay shaqeynaysay,” ayuu yiri madaxweynuhu ku sheegay khudbad uu goobta ka jeediyay.

Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday kufsiga ay ciidamadu geystaan isagoo sheegay in askarigii lagu helo fal kufsi ah ay ciqaabtiisu noqon doonto dil toogasho, wuxuuna sheegay in ciidamada aysan intooda badan ahayd kuwo dhibaatooyin kula kaca shacabkooda.

Isagoo ka hadlayay hay’adaha cadaaladda ayuu sheegay inaan loo baahnayn in shacabku ay laaluush siiyaan garsoorayaasha, taasoo sababi karta buu yiri in iyaga ay dhibaato ku riddo lacagtaas, waayo buu yiri garsoorihii lacagta ka qaatay inuu badbaadiyo ayaa lacag ku qaadan kara inuu ku been abuurto.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaateynta suxufiyiinta isagoo carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka suxufiyiinta Soomaalida loo geysto, isagoo xusay in qodobbadooda ay ka mid yihiin difaacidda xuquuqda hadalka iyo inay ka hor-tagaan musuqmaasuqa.

Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay isaguna ra’iisul wasaaraha oo si aad ah ugu dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa, wuxuuna xusay in dowladdiisa ay sii wadi doonto howlaha ay dib ugu soo celinayso amniga iyo horumarinta dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya