4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Wasiirradii Somaliland ee ku sugnaa Degmada Saylac oo looga yeeray Jabuuti iyo dareenno kasoo cusboonaaday Degmadaas

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdigii wasiirrada ahaa ee Somaliland oo ku sugnaa degmada Saylac ee gobolka Selel ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti oo lagu tuhunsan yahay inay ka dhaqaaqi la’ayd arrinta Saylac ee laba wajiilaha noqotay waxayna socdaal dhulka ah kaga gudbeen wafdiga magaalada Lawya-caddo ee ku tuulla xuduudka kala qaybiya maamulka Somaliland iyo Jabuuti.

Wariyeyaasha ka hawlgala degmada Saylac ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) uu ku qanciyay labada wasiir ee kale in xallinta khilaafka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Saylac uu xalkeedu ku xiran yahay in lagala soo xaajoodo dalka Jabuuti, taasoo ujeeddada socdaalkooda uu salka ku hayay.

Dhinaca kale, waxaa ka dhashay socdaalka ay saaka saddexdaa wasiir ku tageen magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaasi Jabuuti ayaa daaha ka rogtay in Jabuuti ay gacan weyn ku lahayd mushkiladda ka aloosnayd degmadaas, iyadoo sida la sheegeyna diiddan maamulkan cusub ee golaha deegaanka degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ah mid waji cusub lasoo baxday iyadoo magaalada Jabuuti uu kaga sii horreeyo wafdigan, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.

Xaaladda degmada Saylac ayaa tan iyo markii ay dhaceen doorashooyinkii golaha deegaanka Somaliland sannadkii hore, iyadoo weli uu jiro muran ku saabsan cidda kusoo baxday doorashadaas.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland