4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Mas'uuliyiin ka tirsan Urur siyaasadeedka HORSEED ee Puntland oo Degmada Boosaaso kula kulmay Ardayda Jaamacadaha

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan urur-siyaasadeedka Horseed ayaa gelinkii danbe ee shalay xarunta gobolka Bari ee Boosaaso kulan kula qaatay, in ka badan boqol dhalinyaro ah oo ka kala socdey ururada bulshada iyo ardayda jaamacadaha.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dhalinyarada loogu boorrin lahaa ka qayb qaadashada  geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo hirgelinta hannaaka siyaasadeed ee axsaabta badan.

Waxaana mas'uuliyiintii kasoo qayb galay kamid ahaa: wasiir ku-xigeenka amniga, wasiirka gaadiidka iyo howlaha guud, wasiir ku-xigeenka deegaanka iyo duur-joogta iyo weliba labada guddoomiye ee gobollada Bari iyo Sanaag.

Mas'uuliyiintan oo intooda badani ay goobta ka hadleen, ayaa dhalinyarada u sheegay in ay iyagu yihiin furaha horumarka bulshada, loona baahan yahay in taageero hagar la'aaneed laga helo, ayna muhiim tahay inay ka qayb qaataan xoojinta ammaanka iyo horumarka dalka.

Dhalinyarada ayaa iyaguna dhankooda ballan qaaday in ay kaalintooda kasoo dhalaali doonaan, aadna ay u taageersan yihiin geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland, maadaama uu meesha ka saarayo nidaamkii qabiilka ku saleysnaa ee horay loogu dhaqmi jirey.

Ururka Horseed ayaa ah kii ugu horeeyey ee Puntland looga dhawaaqay, waxaana ku jira in ka badan 200 oo mas'uul oo xilal ka haya xukuumadda xiligan Puntland ka arimisa, kuwaasoo uu qayb ka yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Puntland looga dhawaaqay ku dhowaad 9 urur-siyaasadeed, waxaase shuruudaha guddiga doorashooyinku ay ku xireen soo buuxiyey 6 urur oo kala ah: Horseed(xisbul xaakimka), Hor-cad (horumar iyo cadaalad) , Midnimo, EDP(ururka dimuqraadiyadda Puntland), Wadajir iyo UDAD(ururka dadka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya