4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Xasan Daahir Afqurac oo xalay ku Geeriyoodey Magaalada Nairobi

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyoodey AHN madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Xasan Daahir Maxamuud Af-qurac. Marxuumka ayaa u geeriyoodey xanuun uu la jiifey 6-dii bilood ee ugu dambeysey.

Geerida Xasan Daahir waxaa ka tacsiyeeyey madaxda ugu sareysa Puntland sida madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Madaxweyne Faroole oo isagu xiligan booqasho ku jooga dalka Jabuuti, islamarkaana si kooban ula hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka tacsiyeeyey geerida AHN Xasan Daahir Maxamuud Af-qurac.

"Waxaa saaka nasoo gaartay in uu Nirobi ku geeriyoodey madaxweyne ku-xigeenkii hore Xasan Daahir, alle ha u naxariisto, waxan anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Puntland halkan tacsi uga dirayaa ehelkii uu ka geeriyoodey" Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire oo isna maanta shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ayaa tacsi u diray umadda Puntland, gaar ahaan qoyski iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey mudane Af-qurac.

Wuxuuna ilaah uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo isagana uu naxaristiia janno ka waraabiyo " waxaan tacsi u dirayaa umadda Puntland, gaar ahaan eheladii yo qaraabadii uu ka tegey, waxay leeyahay samir iyo iimaan alle haka siiyo isagana naxariistiisa janno haka waraabiyo"

Xasan Daahir Maxamuud Af-qurac wuxuu madaxweyne ku-xigeen kasoo noqday xukuumaddii ka horeysey midda xiligan Puntland ka arimisa ee uu hogaaminayey madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde-Muuse).

Wuxuu sidoo kale muddo 6-sano ah xubin ka ahaa golaha wakiilada ee Puntland isagoo la tilmaamo inuu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon, islamarkaana uu ahaa nin deggen oo nabadda jecel.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya