4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo sheegay inuu Fowziyo Yuusuf Xaaji ay isku salaameen Garoonka Diyaaradaha Berbera

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ( Cabdiraxmaan Xoog) oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in aanu la shaqayn dawladda Soomaaliya, balse ay jirtay inuu wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Foosiya Yuusuf uu madaarka Berbera kula kulmay sifiican  usoo dhoweeyey.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa ka jawaabayey war laga qoray oo la sheegay inuu la shaqeeyo dawladda Soomaaliya, kaas oo tilmaamay in aanay waxba ka jirin, isla marakana warkaasi ay fidiyeen xukuumadda Somaliland, wuxuuse tilmaamay in la buunbuuniyey kulan uu la yeeshay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaalya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo madarka Berbera ay isku arkeen.

“Xukumadda Somaliland haddii xildhibaanka dadweynaha u doodda haddii ay moodayan soomaaliya ayuu la shaqeeyaa inaan ku diidayo aniga durbaanada iyo hargo madhan layma tumo, sidaasna kuma dido, waan hadlayaa afkana laygama saari karo barastal oo dadweynaha u hadlayaa oo shuruucda lagu tuntay baan sheegaya shaqo la’aantaan sheegaya, wax alla wixii la balanqaaday een aan fulin, musuqmaasuqa iyo boobkaan sheegaya,” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambayso war laga qoray oo sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya .

“Waxay ahayd intay Soomaalya igu eedeynayaa, inay yidhaahdan  Fowziyo Yuusuf waa inan ay isku jufo yihiin, Foosiya waxa magacaabay madaxweyne iyo Ra’isal wasaare ay xukumadani hambalyeysay, kuwii aad doonayseen ee aad lahaydeen inay soo baxaan baanu doonaynaa waxay baabi’iyeen wada shaqeyntii Maraykanka iyo Somaliland u dhexeeyey”ayuu raaciyey hadalkiisa, waxaanu intaas ku daray “waxaan leeyahay Foosiya ilmadeer baanu nahay laakiin anigu Soomaaliya lama shaqeeyo”

“Waxaan maalin walba ka hadlaya miisaaniyada, xeerkii duulista iyo wax kasta oo golaha ka socda, qaadkii cashuurta lagu kordhiyey ee ahayd in golaha la keeno marka sababta la isoo xulanayaa waxa weeyi xildhibaan hadlaan ahay ee la doonayo in la aamusiiyo, cidda ka dambaysana waanigaa sheegay ee leh ha is cadeeyo ilayn haddii aan garanayo waan sheegi lahaaye, waxanan tuhunsanahay inay xukuumaddda tahay”ayuu kaga jawaabay su’aal HOL ka waydiiyey waxa kaligi looga xushay ee xidlhibaanada kale kaga duwan yahay.

Mar la waydiiyey inay jirto kulankaasi madaarka Berbera ku dhexmaray isaga iyo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu kaga jawaabay. “Haa waan kula kulmay oo waan salaamay, waxaanan ku idhi soo deg wasiir aad ka qadaysid xeebsoor (Hoteel Berbera ku yaalla ) aan ku geeyee, inaan il-maadeer tihiin oo kugu timid madaar waxad odhanaysa kaalay shaahee ama kaalay soo qadee, hadii taasi tahay Soomaaliya ayuu la shaqeeyaa, dhaqanka Soomaalida waxa weeyi haddii qof meel kugu yimaado ama aad ku kulantaan waa inaad sooryeysaa, dee madaxda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland hodheelada waaweyn ee London ba way ku kulmaan oo labadda wasiirba London bay ku kulmeen maalin dhawayd”.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in dawladdu laashay xeerkii lagu ciqaabi lahaa cidii la kulanta ama la shirta dawladda Soomaaliya “Xukuumaddani iyada laashay oo meesha ka saartay xeerkii cidii Soomaaliya shirarkeeda iyo hawlaheeda ka qaybgasha lagu dhaqi lahaa oo labadda baarlamaan ka codsatay in laga saaro”, waxaanu intaas raaciyey

“Dee wasiirada hadii ay madaarka soo martay oo aan salamay waxa arrinweyn looga dhigayo ayaanan garanayn, laakiin siyaasadii Somaliand ku socotay waanu bedelnay bay yidhaadheen waxay ku bedeln oo la taaban karana ma jirto oo aan ahayn soomaaliya ayaan la hadlaynaa”.

Xildhibaan Cabdiramxaan Xoog ayaa arintan kaga hadlay shirjaraa’id oo uu xarunta baarlamaanka ku qabtay kaas oo uu ka jawaabayey warar ay warbaahinta guduhu ka qortay kulan uu dhowaan madaarka Berbera kula yeeshay wasirka Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, inkastoo wasiiradu aanay diyaaradda ka soo degin oo ay taransit ku ahayd madaarka Berbera, waxaanu sheegay in wararkaasi faafinteeda ay ka dambayso Xukuumadda Somaliland oo doonaysa inay ku xumayso
xildhibaanka.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland