4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Hay’adda UNHCR oo sheegtay in Dowladda Kenya ay aqbashay in Qoxootiga aan is khasab ah looga saarin Magaalooyinka

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay dowladda Kenya ka ogolaatay inay joojiso in qoxootiga ay si khasab ah uga saarto magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Afhayweenka UNHCR, Emmanuel Nyanbera oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in kulammo ay la yeeseen wasaaradaha ammaanka iyo socdaalka ee Kenya ay isku afgarteen in daabulidda qoxootiga ay u dhacdo si aanu ku jirin khasab, balse ay iyagu si iskood uga baxaan iyadoo aan xoog loo adeegsan.

“Qoxootiga ku nool magaalada Nairobi waxaa toddobaadka soo socda looga baahan doonaa inay iska diiwaangeliyaan xarumaha booliiska ee Sharimooy oo ku dhow xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasoo si nabadgalyo ah looga daabuli doono,” ayuu yiri Nyambera.

Wasaaradda ammaanka Kenya ayaa war ay soo saartay toddobaadkii hore waxay ku sheegtay inay si khasab ah uga saarayso qoxootiga ku nool magaalada Nairobi. Iyadoo qoraalkaas lagu sheegay inay dowladdu bar-tilmaameesanayso 50,000 oo qoxooti ah inay si khasab ah uga saarto magaalooyinka waaweyn, balse qorshahaas ayaa u muuqda mid ay dowladdu ka laabtay.

Arrintan ayaa waxaa soo dhaweeyay Soomaalida ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii halkaasoo ay ku leeyihiin ganacsi fara badan, waxaana mas’uuliyiinta ganacsatada ay dalbadeen in dowladda ula dhaqanto si ka duwan sida ay hadda ula dhaqanto.

“Dadku baqdin ayay ku jiraan, waxayna ka baqdin qabaa in guryaha loogu soo dhaco, waxaan dowladda ka dalbanaynaa inay si bani’aadamnimo ay ku jirto ay noola dhaqanto, ayna ka fiirsato arrintaas waxaa wanaagsan inay qiyaar na-siiso,” ayuu yiri guddoomiyaha ganacsatada xaafadda Islii, Xasan Guuleed.

Dowladda Kenya bishii December ee lasoo dhaafay soo saartay war qoraal ah oo ay kaga dalbatay qoxootiga inay ku laabtaan xeryaha qoxootiga, kaddib falal ammaan-darro ah oo ka dhacay magaalada Nairobi, kuwasaoo ay ku tuhuntay qoxootiga ku nool magaalooyinka waaweyn.

Mudane Yuusuf Xasan oo ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Kenya lagana soo doorto degmada Kamakuunyi ee xaafadda islii ay ka tirsan tahay, ayaa sheegay in qoxootiga dalka Kenya ku nool ay sharci ku joogaan dowladduna ay bixiso sharcigaas, iyaguna aysan ka ogolaanayn dowladda inay qoxootiga ka saarto magaalooyinka waaweyn.

Ugu dambeyn, hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa iyaduna ku sheegtay go’aanka Kenya mid ka horimaanaya sharciyada caalamiga ah ee qoxootiga, waxayna dalalka deeqaha bixiya ugu baaqday inay cadaadis ku saaraan Kenya inay joojiso go’aanka ay qoxootiga ugu rarayso xeryaha Dhadhaab oo aan ammaan ahaan wanaagsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya