4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Nin walxaha Qaraxa ay ku xiran yihiin oo xalay ku qarxay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada dhexe

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Nin waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin ayaa xalay ku qarxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo qaraxaas uusan geysan wax khasaare nafeed ah oo dhaafsiisan ninkii qarxay.

Taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Shabeellada dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay in ninkan uu doonayay inuu isku qarxiyo masjid ku yaalla Jowhar, balse uu isaga keliya qarxay.

“Ninkan wuxuu ahaa nin ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa, wuxuuna doonayay inuu isku qarxiyo masaajid ku yaalla degmada, balse isaga keliya ayuu khasaaruhu ku ekaa,” ayuu yiri taliyaha nabadsugidda gobolka.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in mixraabka hore ee masjidka iyo guri ku dhow masaajid uu qaraxu dhibaato u geystay, balse aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay weerarkaas.

“Ninka qaraxa sameeyay wuxuu ka tirsanaa Al-shabaab, muddo ayaana ku daba-jirnay, balse nasiib-darro xalay ayuu isqarxiyay,” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray inay socdaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxo uu xiriir hoose la lahaa.

Dhanka kale, taliyaha hay’adda nabadsugidda ayaa ka warbixiyay howgallo lagu sugayay ammaanka, kuwaasoo uu xusay inay ku qabqabteen hub iyo walxaha qarxa oo ay Al-shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool degmada Jowhar.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka haldin qaraxaas iyo in ruuxa isqarxiyay uu iyaga ka tirsanaa, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala waregeen degmada Jowhar dhammaadkii bishii December ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya