4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Wafdi ka socda Hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne


Isniin, Jannaayo, 21, 2013 (HOL) -- Wafdi ka tirsan hay’addaha samafalka QM ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baladweyne, kuwaasoo kala hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobollka xaaladaha amniga magaalada.

Xubnaha wafdiga maanta booqday magaalada Baladweyne ayaa ka kala socday barnaamijka cunada aduunka ee WFP iyo xafiiska isku dabaridka arrimaha bani’aadanimada UNOCHA, waxaana ay socdaalkooda ku macneeyeen mid ay ugu kuur-galayaan xaaladaha amaan iyo bani’aadanimo ee ka jira xiligan magaalada Baladweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji oo kulanka kadib la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafdiga aheyd bal in ay eegaan xaalada nabad-galyada, waxaana uu sheegay in ay soo dhaweeyeen amniga buuxa ee xiligan ka jira magaalada.

‘’Waxaa ay inoo sheegeen in xiligan amniga magaalada Baladweyne leysku haleyn karo, sidaa daraadeed deg deg u bilaabayaan howlihii samafalka,’’ ayuu yiri Axmed Inji guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga gobollka Hiiraan.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa qeyb ka ah wafuud is daba jooga ah oo bilihii ugu danbeeyay soo gaarayay magaalada kuwaasoo ilaa iyo hadda aan qaadin talaabo micno leh oo lagu gargaarayo dadka dhibaateysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya