4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Puntland oo soo dhaweeyay Aqoonsiga Mareykanka uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay aqoonsigii ay dowladda Mareykanku siisay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay aqoonsigan mid horay u sii riixi kara xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Dowladda Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya 17-kii bishan, kaddib kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

“Aqoonsiga uu Mareykanku siiyay dowladda Soomaaliya waa tallaabo taariikhi ah oo dhiirri-gelinaysa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray maamulka Puntland. Iyadoo Mareykanka uusan tan iyo sannadkii 1991-kii aqoonsanayn dowladihii soo maray Soomaaliya.

Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in Puntland ay horay uga qayb-qaadatay sidii dalka looga saari lahaa xilliga KMG ah, haddana waxay ka qayb-qaadanaysaa sidii nabad iyo xasillooni ay uga dhalan lahayd guud ahaan Soomaaliya. Iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay sii wadaan taageerada ay ka geysanayaan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya iyo sidoo kale, gargaarka aadane, dhisidda maamul wanaagga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya oo awoodda la wareegtay loo bishii Ogoosto ee sannadkii hore inay dalka oo dhan gaarsiiso federaaliisimka, inay xoojiso xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka, inay sii waddo dib u heshiisiinta iyo inay dhisto golaha sare ee baarlamaanka Soomaaliya sida uu qabo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: "Dowladda iyo shacabka Puntland waxay u mahadcelinayaan shacabka iyo dowladda Mareykanka iyo sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed iyo dowaldda federaalka Soomaaliya."

Dowladda Mareykanka ayaa ah dowladda ugu weyn ee dhaqaalaha badan ku taageerta ciidamada AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab, kuwaasoo dhul ballaaran kala wareegay Al-shabaab 20-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in aqoonsigan uu albaabbada u furayo in Soomaaliya ay dib ugu laabato hay’adihii caalamiga ahaa ee ay horay uga tirsanayd. Balse aqoonsigan waxaa kasoo horjeestay maamulka Somaliland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya