4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2013
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Ciidammo gaar ah oo suga Ammaanka loo sameeyay Magaalada Muqdisho

Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ciidammo gaar ah u sameysay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo hadalkiisa ku daray in muddo yar gudaheed la sugayo ammaanka guud ee caasimadda.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Soomaali fara badan kula yeeshay Jimcihii magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo xusay in ciidamadaas ay ilaalin doonaan shacabka caasimadda ku nool iyo hantiooda, balse ma uusan sheegin goobaha ay ka howlgeli doonaan.

“Dowladdu waxay isku duba-ridday ciidammo tiradoodu tahay 1,000 askari oo loogu talogalay inay sugaan ammaanka,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo aan sheegin in ciidamadan ay ka tirsan yihiin ciidamada qalabka sida iyo in kale.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada ay howshooda si tartiib-tartiib ah u billaabeen howsha loo xilsaaray, isagoo xusay in howgalkan ciidamadan uu socon doono saddex bilood, haddii howshooda ay noqoto mid hagaagsan ay xilliga u kordhin doonaan.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ciidamadan gaarka ah ay kasoo bixi doonaan howsha loo xil-saaray, isla markaana ay rajo wanaagsan ayaan ku qabnaa in ciidamadan ay kor u qaadi doonaan ammaanka caasimadda,” ayuu Xasan ku yiri hadalkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xusay in sugidda ammaanka caasimadda Soomaaliya ay u qoodeeyeen lacag gaaraysa lix milyan oo doollarka Mareykanka ah; isagoo xusay inay lacagahaas qaarkood ka heleen dalala ay Soomaaliya saaxiibbo la tahay.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan wuxuu ka dalbaday Soomaalida ku nool dalka Mareykanka inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka, isagoo ku boorriyay in dalka uu u baahay yahay taageeradooda.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo ciidammada dowladda iyo kuwa AMSIOM ay howlgallo lagu sugayo ammaanka kawadaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo iyadoo Muqdisho lagu dilay maalin ka hor wariye ka tirsan idaacadda Shabeelle.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya