4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2013
Ra’isul wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose

Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) —Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose halkaasoo uu kulamo kula qaatay madaxda maamulka degmadaasi.

Ra’isul wasaaraha aya safarkiisa waxa ku wehlinayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed iyo saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida, iyadoona markii ay degmadaasi gaareen ay si diiran usoo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka degmadaasi.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa kulamo la qaatay maamulka dowladda ee gobolka shabeelaha hoose, kan degmada Afgooye, Odoyaal dhaqameed, Dhalinyaro, Haween iyo culumaa’udiin, iyadoona ra’isul wasaaraha uu ka dhageystay fikirkooda iyo weliba cabashooyinka ay muujinayaan.

Waxgaradkii iyo odoyaashii goobta ka hadlay ayaa si diiran usoo dhaweeyay booqashada ra’isul wasaaraha uu ku tagay degmadaasi, iyagoona sheegay in ay ka go’antahay in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa ra’isul wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa, iyagoona dhanka kale sheegay in ay ka go’antahay la shaqeynta iyo garab istaagaa dowladda u curatay dalka Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo isna goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadiisu ay ka go’antahay sugidda amniga dalka iyo ilaalinta dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ogolaan doonin in dhibaato loo geeysto shacabka Soomaaliyeed ee ay masuulka ka tahay.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in dowladda ay gacan bir ah ku qabaan doonto kooxaha dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo kufsiga u geysta dadka rayidka ah ee isaga kala goosha gobollada dalka.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa kulanka kadib kusoo wareegay qeybaha kala duwan ee magaalada Afgooye sida saldhigga degmadaasi, xarumaha dowladda iyo weliba goobaha taariikhi ah ee ku yaal magaaladaasi.

Booqashada ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magaalada Afgooye ayaa noqoneysa tii ugu horeeysay oo uu ku tago degmadaasi tan iyo intii uu qabtay xilka ra’isul wasaarenimo ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ra’isul wasaaraha Soomaaliya mudooyinkii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayay saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda, kuwaasoo looga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka goobaha ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya