4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan oo kawada hadlay lacag loo daabacay Dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale


Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin lacago ay dowladda Suudaan u daabacday Soomaaliya iyo arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah wafdiga la socda madaxweyanha ayaa warbaahinta u sheegay in labada madaxweyne ay isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

“Madaxweyne Xasan  Sheekh iyo iyo Cumar Al-Bashiir waxay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, sidii labada dal uu u dhexmari lahaa iskaashiga dhinacyada nabadda iyo waxbarashada ah,” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in madaxweynaha Suudaan uu hoosta ka xariiqay inay diyaar tahay lacago ay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ay ka dalbatay dalkiisa, isagoo xusay in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen inay Suudaan sii hayso lacagtaas inta laga dhameystirayo dhismaha hay’adaha maaliyadda Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha Suudaan in dalkiisa uu qayb ka noqdo dalalka caawinaya Soomaaliya si ay u noqoto Soomaaliya dowlad cagaheeda ku istaagta, iyadoo Al-bashiir uu si aad ah u soo dhaweeyay dalabkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo maalintii labaad safar ku jooga dalka Suudaan ayaa waxaa lagu wadaa inay caawa la kulmaan Soomaalida ku nool dalka Suudaan, gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barta.

Wafdigan ayaa lagu wadaa inay dalka kusoo laabtaan berri oo Khamiis ah, iyadoo safarkan uu qayb ka yahay safarro uu ku marayo madaxweyne Xasan Sheekh dalalka ku yaalla Bariga Afrika oo ay Suudaan ka mid tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya