4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Maxkamad ku Taalla dalka Yemen oo Xukunno ku ridday dhallinyaro Soomaali ah oo lagu helay falal burcadbadeednimo

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla Koonfurta dalka Yemen ayaa maanta oo Sabti ah ku xukuntay saddex ruux oo Soomaali ah min 10-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inay afduubeen gacanka Cadan ka afduubeen dooni ganacsi.

Wakaaladda wararka ee dalka Yemen SABA ayaa waxay maanta shaacisay in dhallinyaradan Soomaaliyeed lasoo qabtay sannadkii 2011, markaasoo lagu eedeeyay inay afduubeen doonni Kalluumeysi iyo dooni dalxiis iyagoo adeegsanaya doonni dalka Yemen laga leeyahay.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukumay dhallinyadan inay bixiyaan 750,000 oo riyaal oo u dhiganta 3,492 doollar oo lagu sheegay lacagtii uu Kalluumeysiga ka heli lahaa doonida ay afduubka ku geysteen muddadii ay afduubka ku haysteen.

Burcadbadeed aad u hubeysan oo isticmaalaya doomo dheereeya ayaa ka howlgalayay gacanka Cadan sannadihii lasoo dhaafay, iyagoo gacanta ku haya tan iyo I nta ay dowladaha iska leh iyo shirkadaha ay ka qaadanayaan lacago fara badan oo madaxfurasho ah.

Laakiinse falalka burcadbadeednimo ayaa hoos u dhacay tan iyo markii ay ciidammo ka socda dalalka galbeedku howgallo lagula dagaalamayo burcad-badeedda ay ka billaabeen biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee ku dhow.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dalka Yemen lagu xukumo dhallinyaro loo haysto falal burcadbadeednimo, balse waxaa xabsiyada dalkaas gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada Koonfurta ku jira dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood uu xabsigoodu marayo sannadkii shanaad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya