4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Ciidamada AMSIOM oo sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan shacab lagu dilay Israsaaseyn ka dhacday Leego

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan dhacdo dad rayid ay ku dhinteen oo shalay ka dhacday deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayay ku sheegtay in tiro dad rayid ah oo ay carruuri ka mid tahay ay ku dhinteen qaar dhaawacyo ay kasoo gaareen tacshiirad u dhaxeysay ciidamadooda iyo xoogagga Al-Shabaab oo oo ka dhacday meel aan ka fogeyn deegaanka Leego.

“AMISOM way fahamsan tahay waajibaadka ka saaran yaraynta khasaaraha shacabka kasoo gaara dagaallada, waxaan baaritaan ku sameynaynaa wixii dhaliyay dhacadada ay shacabku ku dhinteen,” ayuu war-saxaafadeedka ku yiri ku simaha taliyaha AMISOM, Jen. Salvatore Harushimana.

Sidoo kale, Jen. Harushimana wuxuu tacsi u diray qoysaskii ay dadkasa ku geeriyooday dhacdadas kasoo jeedeen, kuwii u dhaawacmayna waxay u rajeeyeen caafimaad deg-deg ah.

Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay arrintan ayaa waxay ku tilmaameen xasuuq ay geysteen ciidamada AMISOM, waxayna xuseen inay u aargudi doonaan dadkaas shacabka ah ee lagu dilay dhacadaas.

“Falkan wuxuu ahaa mid ay ciidamada shisheeye ku dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaase naga go’an inaan dadkaas shacabka ah u aar-gudno,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ah guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ma ahan falkan kii ugu horreeyay noociisa oo ay sheegtay AMISOM inay ku sameyn doonto baaritaanno lagu xaqiijinayo qaabkii ay ku dhaceen, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay kasoo saari doonaan dhacdadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya