4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukunno dil ah ku fulisay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasoo ku kala eedeysnaa dil iyo kufsi.

Xukunkan dilka ah ayaa waxaa fuliyay ciidammo gaar ah, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Labada askari ee xukunka lagu fuliyay waxay kala yihiin: Jamaal Axmed C/qaadir oo 23 jir kana tirsanaa ciidanka booliiska, kaasoo sannadkii 2010 dilay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Caddoow iyo Cabdi Cismaan Magan oo 32-jir ahaa kana tirsanaa ciidamada milateriga, kaasoo 10/09/2011 kufsaday  Nuuro Caddoow Cali,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cabdi Yaroow oo saxaafadda la hadlay xukunka kaddib.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada wuxuu u digay askarta kale ee ciidamada inay ku kacaan falalkan oo kale, isagoo sheegay in askarigii lagu helo uu mudan doono xukunkan oo kale.

“Xukunka askarta la toogtay waxaa ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida waxaa loo cuskaday shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u degsan, waxaana labadan askari ay maxkamadda ka hor-qirteen dambigooda,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sidd.

Ma ahan xukunkii ugu horreeyay oo ay maxkamadda ciidamada ku fuliso askar lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay, iyadoo sannadihii lasoo dhaafay sidan oo kale ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu fuliyay xukunno dil ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya