4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Al-shabaab kasoo saaray Dhallinyaro u dagaalamayay


Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Ururada bulshada gobolka Shabeellada Hoose oo in muddo ah aan gobolkaas ka shaqeynayn ayaa maalmahan waxay dar-dar-galiyeen howlihii ay bulshada u hayeen waxayna soo xero-geliyeen dhallinyaro ama dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo gaaraya 15 qof, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuf aad u xoogan.

Mar dhallinyaradaas wax laga weydiiyay dareenkooda ayaa waxay sheegay inaysan u maleynayn in sidan oo kale loosoo dhaweynayo.

Xubnihii ka socday ururrada bulshada rayidka ah ayaa waxaa hormuud u ahaa Faarax Xiirey Macallin ayaa si qurux badan ugu wareejiyay kooxdan dhallinyarada ah maamulka gobolka Shabeellada Hoose iyo weliba ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay qaar intaan ka badan ay wadahadal kula jiraan.

Guddoomiyaha gobolka Shabellada Hoose , C/qaadir Sheekh Maxamed ayaa ka mahadceliyay doorka ay ka ciyaarayaan ururrada bulshada soo xero-gelinta xubnaha Al-shabaab. 

“Waxaa la oran karaa ururrada bulshada rayidka waxay abuureen jawi cusub oo aan ahayn mid dagaal oo dhallinyaradii la marin habaabiyay dib bulshada loogu soo daraayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Barnaamijkan wuxuu abuurayaa door ugub ah sida in la helo wada-shaqeyn buuxda oo  ay yeeshaan bulshada iyo dowladda, isagoo sheegay in tani ay tahay in dhallinyaro khatar ku jirtay dib loogu abuuro nolol cusub.


“Tani waxay fursad iyo dhiirri-gelin u tahay dhallinyarada kale inay kasoo baxaan Al-Shabaab, waxaa meesha ka baxeyso cabsida ay dadweynaha iyo dowladda ka qabaan. Wuxuuna hoos u dhac weyn ku imaanayaa awoodda kuwa nabadda diiddan,” ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Gaba-gabadii guddoomiyuhu wuxuu carabka ku dhuftay in dhallinyaradan ay u baahan yihiin goobo lagu xannaaneeyo oo dhaqan-celin loogu sameynayo iyo sidoo kale in loo helo xirfad iyo shaqo abuuris si aysan u tabin kooxdii laga soo saaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya