4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Jaamacadda Camuud iyo Garoonka Diyaaradaha Boorama oo maanta la billaabay


Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Waddada halbowlaha u ah magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo isku xiri doonta jaamacadda Camuud iyo garoonka diyaaradaha Boorama ayaa maanta si rasmi ah loo billaabay iyadoo mashruucan uu ka mid yahay mashaarciidii uu ka tagay maayarkii hore ee degmada Boorame.

Mashruucan ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya dowladda hoose ee Boorame, shacabka degmada iyo hay’ado caalami ah, waxaana howshan ay ka mid ahayd howlihii la doonayay in sannadkan 2013 laga fuliyo gobolka Awdal, gaar ahaan degmada Boorame.


Waddadan oo dhex-marina doonta bartamaha magaalada ayaa noqonaysa jidka ugu dheer uguna quruxda badan ee magaalada uu yeesho, taasoo ka koobnaan doonta laba qaybood oo is-barbar-socda iyo jardiin dhirta lagu beeri doona una dhexeyn labada waddo sida wadooyinka caalamka ah.

Billowga dhismaha waddadan laamiga ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay la sugayaa tanina waxay noqonaysaa hirgalinteedu mid horumar iyo bilic u soo jiidi doonta magaalada Boorame.


Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland