4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Maxakmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somalia xukunno ku riday Todobo qof oo Eedeysaneyaal ah

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xukunno ku riday dad ku eedeysnaa danbiyo kala duwan oo isugu jira dhac iyo kufsi.

Dadkan eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa todobo qof, oo afar kamid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda ayaa ku eedeeysnaa danbiyo isugu jira dhac iyo kufsi, waxaana eedeysaneyaasha kamid ahayd haweeney.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana eedeysanayaasha ay maxkamaddu ku riday min 10 sano oo xarig ah.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Mudane Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay danbiyada dadkani lagu heeysto iyo weliba xukunnada ay muteysteen, wuxuuna sheegay in kadib baaritaanno dheer ay sameeyeen ay ragani ku cadaatay falalka lagu soo eedeeyay islamarkaasina ay qirteen danbiyadooda wuxuuna xusay in todobadooda lagu xukumay min 10-sano oo xarig ah.

Xukunka ay maanta maxkamaddu riday ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo tarayeen cabashooyin kasoo yeerayay shacabka iyo gaadiidleeyda isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo qeybo katirsan gobollada dalka, kuwaasoo ka cabanayay dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi oo ay sheegeen in ay kala kulmaan rag hubeeysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda, kuwaasoo wadooyinka dhigta jidgooyooyin ay dadka ku baartaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya