4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Howlgallo lagu baadi-goobayo xubnaha ka tirsan Al-shababa oo Ciidamadu ay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka bilaabay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoona howlgalladaasi ay ciiidamadu ku qab-qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasoo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo nabad sugid ayaa saaka aroortii ku faafay xaafadaha Buulo-xuubeey iyo Nasteexo oo katirsan degmada Wadajir, waxaana ciidamadu ay qab-qabteen dad aad u badan oo la tuhunsanyahay in ay la shaqeeyaan xarakada  Al-shabaab.

"Saaka waabarigii ayaan aragnay ciidamo tiro badan oo soo buuxdhaafiyay xaafadda, waxayna qab-qabanayeen dadka ku dhaqan xaafadda gaar ahaan dhalinyarada, dad badan oo xir xiran ayay kaxeysteen welina howlgallada way socdaan," sidaa waxa yiri goobjooge ku sugan xaafadda Buuloxuubeey oo isagoo qarinaya magaciisa warbaahinta la hadlay.

Taliyaha qeybta ciidamada booliska ee gobolka Banaadir Jen Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo ay ku baacsanayaaan kooxo uu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab islamarkaasina ay ku dhuumaaleeysanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

“Howlgalkan aan wadno waa mid aan saacado keliya ahayn ee waa mid maalmo badan socon doona, inta shabaab aan ka sifeeyneyno in ay ku dhuumaaleystaan degmooyinka gobolka Banaadir,” ayuu taliyuhu hadalkiisii ku daray.

Masuulkani ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay isugu jiraan sedex kooxood oo kala ah: kooxo la tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwo uu sheegay in ay hubanti ku hayaan, iyo qaar kale oo aan danbi lahayn oo uu sheegay in ay hore ka deynayaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan ciidamada howlgallada wada islamarkaasina ay kusoo wargeliyaan ragga falalka amni darro ka geeysta degmooyinka gobolka Banaadir, isagoona sheegay in degmo walba oo katirsan gobolka Banaadir ay leedahay ciidamo u gaar ah oo ka shaqeeya sugidda amniga.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada nabad sugidda iyo kuwa booliska baaritaanno kuwan la mid ah oo ay shalay ka sameeyeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ay kusoo qab-qabteen dad kor u dhaafaya ilaa 400 oo u badnaa dhalinyaro, waxaana la sii daayay 300 oo kamid ah oo la sheegay in danbi lagu waayay halka ay baaritanno ku socdaan in ka badan 100 qof oo la tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya