4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Degmada Saylac oo Rabashado ay ka dhaceen

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Saylac oo ay dhawaan ka dhaceen rabshado  sababay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inkastoo aan illaa hadda xog faahfaahsan laga hayn socdaalkan ayaa haddan waxay wararku sheegayaan inuu wasiirku u tagay halkaas sidii uu ku qaboojin lahaa xiisadihii ka dhashay mudaaharaadyada khasaraha nafeed dhaliyay.

Socdaalka wasiirku ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay kasoo wereegtay shan casho markii dad lugu laayay degmada Saylac oo ay xukuumaddu aysn kasoo saarin wax hadal ah.

Rabshadaha ka dhacay Saylac ayaa ka dhashay doorashooyinka oo si aad ah loogu murmay, iyadoo dadka shacabka ahna ay muddo hortaagnaayeen in laga qaado degmadaas sanaadiiqdii codbixinta oo ay shacabku tuhmayeen in la musuqmaasuqay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay berri oo Salaaso ah billaabaan wadahadallo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa rabshadihii dhacay iyo wixii dhaliyay.

Haddanaha HOL waxay idiin ballanqaadaysaa inay si faahfaahsan idin kula socodsiin doonto wadahadalladaas iyo wixii kasoo baxa, iyadoo la ogyahay in wasiirku uusan weli ka hadlin socdaalkiisa.

Khadro Xasan Maax, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland