4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo shaacisay in cudurka Jadeecaddu uu ka dilaacay Gobolka Maroodi-jeex

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa shaacisay in gobolka Maroodi jeex uu ka dilaacay cudurka jadeecadda, waxaanay bulshadda Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolkan inay goobaha caafimaadka yimaadaan si loo xakameeyo cudurkan oo aanu dalka ugu fidin.

“Wasaarada Caafimaadku waxay shacabka gobolka Maroodi-jeex ugu baaqaysaa inuu gobolkan Ka dilaacay cudurka Jadeecadu, taasi oo Wasaarada caafimaadku ay fulinayso hawlgallo ay kaga hortagayso inaanu xanuunkaasi inagu fidin”ayey tidhi wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo warbaahinta la hadlaysay.

waxaanay intaas ku dartay “waxa la filayaa inay bilaabmayaan roobabkii gugu, markaa waxaanu ugu baaqaynaa hooyo kastaa oo dareentaa Cudurkan inay addeegyada jadeecada ka helayso Gobolka, tagtana goobta caafimaad ee ugu dhow, halkaana waxay ka helaysaa tallaalkii carruurta ee jadeecada”.

Sidoo kale, waxa wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Qawdhan ayaa sheegtay in hawl-wadeeno caafimaad u kala baxayaan dhulka miyiga si dadka deegaanadaasi ku nool looga talaali lahaa xanuunkan Jadeecadda oo la doonayo in aanu faafin.

Si kastaba ha ahaatee, xanuunkan ayaa la sheegay inuu leeyahay astaamo lagu garankaro oo ay ka mid yihiin xumad badan, Qubac, finan yaryar iyo indhaha oo casaadda, waxaana loogu baaqay dadweynaha cidii isku aragta astaamahaasi inay sida ugu dhakhsaha badan u gaadhaan goobaha u dhow ee caafimaad oo loogu diyaariyey hawl-wadeeno caafimaad oo  dadkaasi gargaar caafimaad siinaya.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland