4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Dowadda Somalia oo sheegtay inaysan wax war ah u hayn Howlgalkii Faransiiska ee Buulo-mareer

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in howgalkii Faransiisku uu ka fuliyay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay howgalkaas mid ay dowladda Soomaaliya si aad ah u cambaareynayso.

Mudane Fiqi oo safarro ku maraya dalalka Uganda iyo Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in howlgal noocaas oo kale ah laga fuliyo gudaha Soomaaliya, iyadoo aan wadatashi lagala sameyn.

“Runtii howgalka ay ciidamada kumaandooska Faransiiska ka fuliyeen Buulo-mareer laguma soo wargelin dowladda Soomaaliya, waana ka xunnahay in howlgal noocaas oo kale ah oo aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya ay dowlado shisheeye ka fuliyaan gudaha dalkeenna,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay tacsi u dirayaan dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay howlgalkaas, isagoo sheegay in haddii dowladda lagu soo wargelin lahaa howlgalkaas uu xaalku ka duwanaan lahaa sida uu hadda yahay.

“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa inay kusoo wargeliso dowladdii howlgal noocan oo kale ah doonaysa inay ka fuliso gudaha dalka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa. Isagoo intaas ku daray in sarkaalka Faransiiska dhowr jeer la isku dayay in laga soo daayo gacanta Al-shabaab balse ay suurogal noqon waday.

Dhanka kale, guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya, ayaa iyaguna ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay kula xisaabtanto dowladda Faransiiska dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay howlgalkaas.

“Shacabkii Soomaaliyeed ee ku dhintay howgalka Faransiiska waxay la mid yihiin muwaadinkii Faransiiska ahaa ee la doonayay in laga sii-daayo gacanta Al-shabaab, marka waa in lagula xisaabtamo Faransiiska dadkii Soomaalida ahaa ee ku dhintay howlgalkaas,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo saaxafadda la hadlay.

Ugu dambeyn, Xaabsade wuxuu sheegay in dalalka reer galbeedka ay ka dalbanayaan inay qayb weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab balse ay tahay in marka hore ay la socodsiiyaan howlgalladooda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrintan ku shuqulka leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya