4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Somalia oo sheegay inuu dhintay Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al-shabaab

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay Al-shabaab faduubka ku haysay muddada ka badan saddexda sano lagu dilay howgalkii fashilmay ee la doonayay in lagu furto.

Wakaaladda wararka Mareykanka ee AP ayaa qortay Axadda maanta ah in saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay u xaqiijiyeen inuu dhintay Denis Allex oo ahaa sarkaalkii Faransiiska ahaa ee Al-shabaab gacanta ugu jiray.

“La-haystihii Faransiiska ahaa iyo raggii Al-shabaab ka tirsanaa ee gacanta ku hayay waxay ku dhinteen weerarka, goobtii lagu hayayna waa la burburiyay. Sidaa daraadeed ma jirto arrin xaqiijinaysa inuu nool yahay,” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyay oo la hadlay AP.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in wararka ay helayaan ay muujinayaan in la dilay sarkaalka iyo dhammaan xubnihii Al-shabaab ee gacanta ku hayay, isagoo xusay inaysan jirin war xaqiijinaya inuu weli nool yahay sida ay Al-shabaab sheegtay.

Faransiiska ayaa horay u sheegtay in laba askarteeda ah iyo Denis Allex lagu dilay weerarkii fashilmay ee habeenkii Sabtida ahaa ay ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyadu ku adkeysanaysa in sarkaalka u afduubnaa muddada dheer uu weli nool yahay ayna noloshiida dhawaan go’aan cad ay ka qaadan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkaas, iyadoo ku tilmaantay mid ay aad uga xun tahay, ayna kasoo horjeeddo. Iyadoo dhinaca kalena u dirtay Tacsi  ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas oo ay ku jiraan ciidankii Faransiiska ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya