4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii fashilmay ee ay ciidamada Faransiisku ka geysteen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

Kulan deg-deg ah oo ay golaha wasiirradu ku yeesheen xalay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay uga hadlayeen howgalkii ay ciidamada kumaandooska Faransiisku ka sameeyeen Buulo-Mareer kaasoo ay ku furan lahaayeen sarkaal Faransiis ah oo muddo sannado ah afduub ahaan loogu haystay Soomaailya, iyagoo sheegay in duqeyntii dhacday ay waxyeelleysay dad shacab ah oo ka goobta agteeda ku sugnaa.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay cambaareynaysaa aadna uga xun tahay ayna muujinayso inaysan raalli ka ahayn duqeymihii uu Faransiisku ka geystay deegaanka Buulo-mareer ee ay waxyeelladu kasoo gaartay dadka shacabka ah,” ayay tiri wasiirradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya markii uu kulanku soo xirmay.

Wasiirraddu waxay sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya dhiirri-gelinayn afduubyada, balse ay kasoo horjeeddo in weerarro waxyeello u geysanaya shacabka laga geysto gudaha dalka.

“Tacsi ayaan u diraynaa dhammaan dadkii halkaas ku dhintay ee Soomaalida ahaa iyo kuwii Faransiiska ahaa,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku sheegtay, iyadoo hadalkan uu noqonayo mid muujinaya in dowladdu aysan wax war ah u hayn howgalkaas uu Faransiisku ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo isugu jiray dad shacab ah, ciidamadii Faransiiska ee howgalka fuliyay iyo weliba xoogaggii Al-shabaab ee afduubka ku haystay sarkaalka Faransiiska ah oo ay hadallo kala duwan kasoo baxayaan inuu nool yahay inuu dhintay.

Dhinaca kale, wasiiradda ariimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya guulo ka gaartay burcad-badeedda iyadoo loo maray hab wadahadal ah, ayna suurogelisay in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo shaqaale afduub lagu haystay ayna howshaas ka tanaasulaan burcadadeed ka badan boqol qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya